156 Guri oo lagu Wareejiyey Dad Danyar Ah Oo Ku Dhaqan Magaaladda Berbera

Berbera(RH)Mas’uuliyiinta gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera ayaa 156, Guri ku wareejiyay dad danyar ah oo laga soo xulay xaafadaha kala duwan ee Magaaladda Berbera.

Xaafada dadkan la dejiyay ayaa ku taala koonfurta Berbera ee Magaalo cad, agaasimaha waaxda qorshaynta Dawladda hoose ee Berbera Jimcaale Cabdilaahi Jaamac iyo xoghayaha dawladaha hoose C/kariin Aadan Siciid, oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay baahida ay qoysaskan danyarta ahi u qabeen guryahan iyaga oo kula dardaarmay in ay daryeelaan.

Maayirka Berbera C/shakuur Maxamed Xasan Ciddin iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng Axmed Cismaan Xasan, oo halkaasi ka hadlay waxaa ay ka warameen maraaxilkii ay soo mareen guryahan lagu wareejiyay dadka danyarta ah iyaga oo hadalo dhiirigalin ah u jeediyay qoysaskaasi ka mida dadka danyarta ah.

 

Category