230 Askari Oo ka soo Goostay Puntland Oo lagu Soo Dhaweeyey Somaliland

Laascaanood(RH)Wasiirka hawlaha guud,dhulka iyo gureyeynta Md Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa deegaanka Carro-wayn gobolka Buuhoodle  ku soo dhaweeyey laba boqol iyo soddon askari oo ka soo goostay maamul goboleedka Somalia ee Puntland.

waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gaashaanle sare  Abokor Sulub Axmed, Taliyaha ciidanka Somaliland ee fadhiisin koodu yahay aaga gobolka Buuhoodle waxaanu sheegay in ciidankani yihiin kuwo ka soo goostay maamulka Puntland oo u badan ciidan beeleed kuwaasi oo ku soo biiray ciidanka Qaranka Somaliland.

Dhankiisana Jaamac Cabdicasiis Axmed oo ah hoggaamiyaha ciidankan soo goostay ayaa sheegay inay yimaadeen dalkoodii isla markaan rabaan inay qayb ka noqdaan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland kana shaqayn doonaan nabadgalyada iyo difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,Isagoo xukuumadda ka dalbaday in la qarameeyo.

Ugu dambayn wasiirka hawlaha guud,dhulka iyo guriyeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa sheegay in ciidankan la qaramayn doono isla markaan wixii ay xaq qaranka ugu leeyihiin la siin doono,waxaanu sheegay in ciidankan la sinaan doonaan ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Qambi waxa uu fariin u diray ciidamada dhigooda ah ee wali haysta fikirka qaldan inay yimaadaan dhulkooda iyo qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Category