RH. Shilkan baabuur ayaa ka dhacey goobta looga baxo magaalada al-Akhal gobalka Medina ee galbeedka Sucuudiga.
shilkan sababey dhimashada 35 qof ayaa dhacay shaley Arbacadii
Warkan ayuu xaqiijiyey afhayeenka booliiska ee gobalka Madina mar uu u waramayey wakaalada wararka ee sucuudiga oo magaceeda loo soo gaabiyo SPA.
Marka laga yimaado 35 qof ee geeryoodey waxaa iyana shilkaas ku dhaawacmey 4 ruux ookale sida ay qortay wakaalada wararka ee dpa.
Safar Diimeed
Inkasta oo uu wali baadhitaanku socdo hadana waxa ay si hordhac ah Booliisku usheegeen in la rumeysanyahay in ay dadka Baskani la dhacay ay ku jireen safar cibaado oo ay ugu socdeen magaalada barakeysan ee Madina.
waxaa diyaariyey
Mohamed-amin Siyad Abdi