Abwaan Qooryare oo ku geeriyooday Addis Ababa

Addis Ababa (RH)- Magaalada Addis Ababa ee xarrunta waddanka Itoobiya, waxaa shaley ku geeriyooday allaha u naxariisto Abwaan Aadan Cilmi Good oo ku magac dheeraa Qooryare oo ahaa abwaankii sameeyay heesta calanka Jabuuti.

Abwaanka ayaa ka mid ahaa fannaaniinta waaweyn ee Jabuuti abwaankooda, waxa uu sameeyay heeso badan oo ay qaadaan fannaaniinta Jabuuti, sida uu sheegay Abwaan Aadan Faarax Samatar oo ay soo wadashaqeeyeen.

“Abwaan Aadan Cimi Qooryare, waxa uu ahaa abwaan qaali ah oo sameeyay heesta calanka Jabuuti, waxa uu ka mid ahaa abwaanada ay lahaayeen fannaaniinta waaweyn ee Jabuuti”ayuu yiri Abwaan Samatar.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle ayaa ka tacsiyeeyey geerida marxuumka, isagoo ku tilmaamay nin geesi ah oo waddani ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka qeybgalay dagaalkii halganka isla markaana dhismaha waddanka uu ka qeyb qaatay doorkiisa gaar ahaan dhinaca fanka.

Marxuumka ayaa ifka uga tahay xaas, wiil uu dhalay iyo wiil yer oo uu awoowo u ahaa.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category