Askari dilay Bajaale oo dil lagu xukumay

Muqdisho (RH)-Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku xukuntay askari ka tirsan ciidanka booliska oo horrey u dilay wiil baajle ah.

Dable Cali Maxamuud Axmed oo 26 jir ah, ayaa maxkamadda ciidamada ay ku xukuntay xukun dil ah kaddib markii ay ku heshay dambi ah inuu si bareer u ah u dilay wiil bajaajle ah 8-dii bishan isla markaana uu dhaawacay qof kale oo moota bajaajka la soccday sidaas waxaa maxkamadda ka sheegay Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida Gaashanle sare Xasan Cali Shuute.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ay furan tahay

Ciidamada ammanka ee ku sugan baraha kontrol ee ku yaalla Muqdisho ayaa dhowr jeer toogtay dhallinyarada ka xeysa mooto bajaajka, waxaana marar badan ladilay dhallinyaradaas.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category