Austalia iyo Canada ayaa sheegay in ay diyaar uyihiin in ay qaabilaan Rahaf.

RH: Bangkok. Inantan  18 jirka ah ayaa sheegtay in ay reerkooda oo ay kasoo baxsatey qudha kajarayaan hadii laguceliyo Sacuudiga.

Rahaf Mohammed al Qanun ayaa kusigatey in lagu celiyo reekoodii oo sacuudiga degan markii ay madaarka Bangkok timid iyada oo aan visa sidan, balse xariifnimo ay samaysay ayaa  badbaadisay 

waxay soo xidhatey qol kamid ah Hotel ku yaal madaarka magaalada Bangkok-Thailand, waxaaney u qeylo diratey caalamka oo dhan iyada oo iscimaalaysa aalada Twiterka , markiiba 50,000 oo qof ayaa ay fariinteedii gaadhay.

waxaa markiiba lala soo hadlay hay'ada magangalyada qaxootiga ee UNCHR, waaloogu yimid goobtii ay joogtay waana la soo badbaadiyey iyada oo la kaashanayo waxaada socdaalka ee dalka Thailand.

Hada laba dal ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay magangalyo siiyaan waxaaney kala yihiin Canada iyo Austaralia oo ay intii aan la qaban ku socotey.

waxaana la sugayaa  midka ay doorato  in loo dhoofiyo  sida ay sheegeen laanta socdaalka ee Thailand.

Arintan ayaa wajigabax ku noqoneysa xukuumada Sacuudiga isla markaasina laga cabsi qabaa in ay tusbax furmay u noqoto gabadha sacuudiga oo qaabkan fudud magangalyo kaga helikara dalalka horumarey ee reergalbeedka.

 

Diyaarinta:Maxamed-amin Siyaad Cabdi

Category