Axmed Madoobe oo loo doortey madaxweynaha Jubaland iyo beesha caalamka oo qoraalka soo saartey khilaafka ka dhashey doorashadaas

Warqada ay beesha caalamku soo saartey sidan ayey u dhigneyd:

Iyada oo loo danaynayo kobcinta xasilloonida iyo dhowrista midnimada ka dhex jirta bulshooyinka Jubaland, la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya (Canada, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], Urur-goboleedka IGAD [UN] iyo Qaramada Midoobay] ayaa ku hawlgeliyey dhammaan daneeyayaasha Jubbooyinka inay ku dhiirrigeliyaan inay heshiis ka gaaraan hal geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, cadaalad iyo nabad ah.

Waxaan ka walaacsanahay maqnaanshaha heshiis noocaas ah iyo  suuragalnimada degganaan la’aanta iyo kala qaybsanaanta ka jirta Jubaland ay si weyn u kordhayso.

Kahor doorashada la qorsheeyay 22ka Agoosto 2019, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha in ay ka fogaadaan ficil kasta oo sababi kara rabshado.

Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada AMISOM ay ku abuureyso deegaan aamin ah oo ka jira Jubbooyinka, waxaanan dhiirigelineynaa isku xirnaanta ciidamada dhulka jooga. Waxaan ku boorineynaa dhammaan daneeyayaasha in ay la shaqeeyaan hanaan dowladnimo.

Joogtaynta nabadda iyo xasilloonida Jubaland ayaa muhiim u ah oo keliya dadka dowlad-goboleedkan Federaalka ah laakiin sidoo kale waa in la suuro galiyaa horumar dheeraad ah oo ahmiyadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

Category