Bandhigga Buugaagta Muqdisho oo galey maalintii labaad

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda bandhigga buugaagta, waana sannadkii shanaad oo bandhiggaas la qabto.

Bandhigga ayaa waxaa sannadkan ka soo qaybgalay qorayaal Soomaali iyo Ajnebi ah kuwaasoo kala kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa.


Wax yaabaha sannadkan ku cusub bandhigga waxaa ka mid ah sheekooyin carruurta loo soo bandhiggo, iyadoo isla goobta la keenayo carruur badan oo ay wax u akhrinayaan dad ku xeel dheer arrimaha sheekooyinka iyo dhaqanka miyiga.
Sidoo kale, bandhigga waxaa ka qaybgalaya dad caan ka ah goobaha bulshada.

Bandhigga ayaa waxa uu soconayaa 22-ka, 23, illaa 24ka bishan, waxaana buugaagtaadoo kusoo bandhiggaya, hadalana ka jeedinaya qorayaal caan ah oo Soomaaliyeed iyo kuwa cusub.

Qorayaasha sanadkan lagu casuumay waxaa ka mid ah Axmed Faarax Cali 'Idaajaa', Axmed Horari Bilal, Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow, Maxamed Cumar Cusmaan, Prof. Mustafa Feyruus, Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Dr. Xamdi Maxamed.

Bandhigyada buugaagta ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, bishii lasoo dhaafay waxaa kan oo kale lagu qabtay magaalada Hargaysa kaas oo muddo dheer soo socday, sidoo kale sanadkan horaantiisii waxaa bandhigyadan oo kale lagu kala qabtay magaalooyinka Hargeysa Garoowe iyo Kismaayo.

Category