Beer Iyo Kelyo Noocooda  La Garanwaayay Oo Lagu Qabtay Magaaladda Wajaale.

Tog-Wajaale(RH)Ciidamada Booliska ee degmada Tog-Wajaale ayaa hawlgal ay sameeyeen , waxa ay  ku soo  qabteen  Beer iyo Kelyo aan ilaa hadda la garanayn waxa ay yihiin, kuwaas oo ay maanta warbaahinta usoo bandhigeen.

Beerkan iyo kelyahan oo si qarsoodi ah loo soo gelinaayey Somaliland  ayay maanta ciidamadu ku gubeen duleedka magaaladda Tog-wajaale.

Waxaana warbaahinta si wada jir ah ula hadlay taliyeyaasha Booliska ,Taliyaha hawlgelinta gobolka Gebiley iyo maamulka degmada Tog-wajaale ,iyaga oo  shacabka uga digay  Beerka iyo Kelyaha noocan ah ee lagaga iibinaayo suuqyada, kaas oo ay sheegeen in uu waxyeeli karo  caafimaadka bulshadda.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ee degmada Tog-wajaale ayaa sheegay in Askariga Beerkan qabtay  lagu magacaabo Yaasiin Maxamed Axmed Faarax , iyada oo ay kooxaha Beerkan siday u balan qaadeen in ay siin doonaan lacag dhan $150 dollar, si uu ugu sii daayo , laakiin  uu diiday, sidaasna uu kusoo qabtay Beerkaas iyo kelyahaas aan la garanayn ee Somaliland lasoo gelinaayey .

Maamulka degmada Tog-wajaale oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay mulkiileyaasha Hudheeladda Somaliland in aanay waxyaalahan oo kale dalka soo gelin, iyaga oo sidoo kalena dadka waxyaalahan ka ganacsadana ugu baaqay in aanay xoolahooda xaaran ku badhxin.

 

Category