Ciidamada ilaalada madaxweynaha Kenya oo laga mamuucay cunista jaadka

Dhammaan kooxda ilaalada u ah madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa laga mamnuucay inay cunaan jaadka, sida ay shaaciyeen saddexda wargeys ee ugu waaweyn waddanka ee kala ah Daily Nation, The Star iyo Standard.

Amarkan waxaa soo saaray taliyaha ciidanka ilaalada madaxweynaha, George Kirera, oo sheegay in cunista qaadka aysan askarta waardiyeysa madaxweynaha caafimaadkooda kaliya waxyeello ku ahayn balse ay dhibaateyneyso qoysaskooda.

Mra ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: "Fadlan ogsoonaada in la fahmay halis caafimaad oo ay cunista jaadka u keeneyso astarta ilaalada u ah madaxtooyada iyo qoysaskoodaba."r Kire

"Amarkan wuxuu dhaqan galayaa laga billaabo 6-da bishan July, 2020-ka, markaas wixii ka dambeeyana ma jiri doono askari ka tirsan ilaalada madaxweynaha iyo qof madaxtooyada ku sugan ama agagaarkeeda daggan oo loo oggolaan doono inuu jaad cuno," ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Sida lagu muujiyay amarkaas, askari kasta oo u hoggaansami waaya mamnuucista ayaa wajihi doona ganaax adag oo ka imaanaya dhinaca maamulka.

Waxaa aad looga dhur sugayaa sida ay ciidamada gaarka u ah madaxweyne Kenyatta u joojin doonaan jaadka ay cunistiisa la qabsadeen.

Shan sano ka hor, seynisyahanno ayaa ogaaday in cunista qaadka ay sababto in ragga ay dareemaan daciifnimo dhinaca raganimada ah, sida uu qoray wargeyska The Star, oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Kenya.

Daraasaddaas oo ay sanadkii 2015-kii si wadajir ah u sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacadda Moi ayaa lagu fuliyay maalgalin ay sameysay dowladda.

Waxay seynisyahannada sheegeen in qaadka uu sabab u yahay hoos u dhac dhinaca dhalmada ah iyo tirada carruurta ee kusoo korodha shacabka waddanka.

Ochiba Lukanda, oo hoggaaminayay seynisyahannada cilmibaaristaas sameeyay, ayaa sheegay in daraasad taas nooceeda ah oo laga fuliyay Bariga Dhexe ay caddeysay in ragga joojiyay cunista jaadka ay dib usoo wanaagsanaatay awooddooda raganimada.

Ganacsiga jaadka ayaa dhaqaale badan usoo xareeya Kenya

Hase yeeshee wuxuu meesha ka saaray shaki laga muujinayay in caleenta geedka jaadka laga qaado cudurro uu ka mid yahay kansarka.

"Isticmaalka jaadka wuxuu sidoo kale sababaa inuu sare u kaco cadaadiska dhiigga laakiin ma keeno kansar, waxyeellada noocaas ahana kama muuqato daraasaddeenna," ayuu yiri Dr Lukanda.

Balse wuxuu intaas ku daray in saameynta jaadka ay taabato dhinaca caafimaadka dhimirka, ayna horseeddo hoos u dhac dhanka horumarka iyo waxbarashada ah.

Daraasad laga sameeyay deegaannada uu jaadka ka baxo ayaa lagu ogaaday in wiilasha bulshooyinkaas ku dhex nool badankood ay ka cararaan waxbarashada iskuullada oo aan wali u dhammaanin.

"Wiilasha waxay ka shaqeynayaan beeraha jaadka iyo raritaankiisa, taasina waxay saameyn ku yeelatay hannaankii waxbarashada oo hoos uga dhacay deegaannadaas," ayuu yiri.

Kenya ayaa dhaqaale badan ka hesha ganacsiga qaadka oo lagu iibiyo gudaha waddanka, dibaddana loo dhoofiyo.

Waddamada suuqa ugu weyn ka heysta jaadka ka baxa Kenya waxaa ugu horreeya Soomaaliya.

 

xigasho. BBC

Category