Ciidamada Kenya oo isaga baxay Buusaar

Muqdisho (RH)- Ururka Al-Shabaab ayaa maanta dib u qabsaday tuulada Buusaar oo qiyaastii 46km u jirta degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, kaddib markii ciidamada Kenya ay halkaas iga baxay.

Dad deeganka ah ayaa sheegay in ciidamada ka baxay Buusaar ay ku sii jeedaan Ceel-Waaq oo qiyaastii 6km uun jirta dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale isabay deeganka Faxfaxdhuun ee isla gobalka Gedo, waxaana markiiba la wareegay Al-Shabaab.

Buusaar waa saldhiggii ugu dambeeyay ee ciidamada Kenya oo qayb ka ah howgalka AMISOM ay ka baxaan gobalka Gedo, waxa ay horrey u banneeyeen dhowr saldhig oo ay ku lahaayeen gobalka Gedo, waxaa ka mid ah meelaha ay banneeyeen magaalada Baardheere, deeganka Tarako, Ceel-Cadde iyo Faxfaxdhuun.

Buusaar waa marin muhiim ah oo ku yaalla koonfurta Galbeed ee gobalka Gedo, sidoo kale waa deegan isku xira isku socodka goballada Gedo iyo Jubbooyinka.

Ciidamada Kenya ayaa Buusaar degay sannadkii 2012-kii, ciidamada Kenya ayaa hadda u muuqda in ay gabi ahaan ka baxeen gobalka Gedo waxa ay ku hareen uun gobalka Jubbada Hoose iyagoo si xoog leh u jooga magaalada Kismaayo.

Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay saldhig ka sameesan doona degmada Ceelwaaq halkaasoo ay sii joogi doonaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category