Kolding, Denmark (RH)– 10-ka Oktoobar 2026 Dab ka kacay jikada guri dabaq ah oo ku yaalla waddada Fynsvej ee magaalada Kolding, dalka Denmark, ayaa sababay in dadka deggan dhismaha laga daad-gureeyo.
Sida uu qoray wargeyska JydskeVestkysten, dabku wuxuu kacay fiidnimadii Khamiista, wax yar ka hor 6-dii fiidnimo, kaddib markii nin 36 jir ah uu illoobay inuu damiyo shooladda cuntada lagu karinayey. Digsi saliid ku jirtay ayaa dab qabsaday, waxaana dabku ku fiday miiska iyo armaajooyinka jikada.
Ninka ayaa markii uu arkay dabka daad-gureeyey dadka kale ee dhismaha degganaa, wuxuuna la xiriiray ciidamada dab-damiska.
Booliiska Koonfur-bari Jylland ayaa sheegay inaanay jirin cid si toos ah ugu dhaawacantay dabka. Hase yeeshee, laba qof oo dhismaha degganaa ayaa ambalaas loogu qaaday isbitaalka si looga baaro waxyeello ka dhalatay qiiqa.
Ciidamada dab-damiska ee TrekantBrand ayaa goobta gaaray kaddib markii la helay wicitaanka gurmadka, kaas oo la diiwaangeliyey 5:55 galabnimo. Hawlgalka daminta dabka waxaa la isticmaalay 42 litir oo biyo ah.
Madaxa hawlgalka dab-damiska, Morten Mølbæk, ayaa sheegay in inkasta oo aan biyo badan loo baahnayn, haddana dabku si xooggan u holcayey, jikaduna ay si weyn u gubatay.
Booliisku waxay ninka 36 jirka ah ku soo oogeen dacwad la xiriirta jebinta sharciga gurmadka iyo badbaadada dadweynaha ee Denmark.
Radio Hormuud – Wararka Denmark