Dalalka Somaliland iyo Jabuuti oo iska Kaashanaya Dhinaca Isgaadhsiinta

Hargaysa(RH)Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti, ayaa sheegay in ay iska kaashan doonaan dhinaca Isgaadhsiinta iyo Boosaha.

Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Sheekh Suufi Jibriil oo socdaal shaqo ku jooga dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa kulan la yeeshay wasiirka warfaafinta iyo Boosaha dalka Jabuuti oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka isgaadhsiineed ee labada dal oo ay masuul uga yihiin labada wasaaradood.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen heshiis hore labada wasaaradood u wada galeen oo 4 qodob ka koobnaa, sii amba qaadkiisa iyo in xidhiidhka iskaashi ee dhanka isgaadhsiinta iyo boosaha ee Somaliland iyo Jabuuti in ay sii horumariyaan oo halka uu maanta taagan yahayna hore looga sii socdo.

Wasiirka Warfaafinta iyo Boosaha ee dalka Jabuuti Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon oo wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi ku qaabilay xafiiskiisa. kulan saacado badan qaatay oo labada wasiir dhex maray ka dib ayay si wada jir ah warbaahinta ula hadleen.

Wasiirka Boosaha Jabuuti oo hadalka ku horreeyay ayaa yidhi “Waxaanu soo dhawaynay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo booqasho rasmiya halkan (Jabuuti) noogu yimi, booqashadaas oo ah sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya labada shacab ee Somaliland iyo Jabuuti,ee dhinaca war Isgaadhsiinta iyo Boosaha”.

Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Tijnoolajiyada Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Sheekh Suufi Jibriil ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay iska kaashan doonaan dhinaca Isgaadhsiinta iyo Boosta.

waxaanu yidhi “Waxaanu ku jirnay hawlo shaqo oo ah sidii aanu iskaga kaashan lahayn sidii labada Wasaaradood u wada shaqayn lahaayeen markaa bishii Saddexaad ayaanu heshiis hore galnay oo ka koobnaa afar qodob dhinaca Isgaadhsiinta iyo dhinaca Boosta iyo iswaydaarsiga Aqoonta iyo wadashaqayn guud, markaa horumarinteedii ayaanu ku jirnay iyo sidii loo fulin lahaa Boosta Somaliland ka timaada iyo ta ku socotaba waxay soo martaa Jabuuti markaa sidii loo sii adkayn lahaa oo looga dhigi lahaa wax joogta ah ayaanu isla soo qaadnay”.

Kulanka labada wasiir ee isgaadhsiinta Somaliland iyo Jabuuti waxaa ku weheliyay Danjiraha Somaliland u jooga dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed.

 

Category