Denmark: Hooyadii Soomaaliyeed ee la xidhay Caruuteediina laga qaadey

Rooda Cawil Daahir waa Hooyo 6 Carruur ah leh oo 17 sano jir uu ugu weyn yahay 4 jirna ugu yar yahay. Dhammaan 6-daas caruur waxaa lagu wareejiyay qoysas reer Denmark ah, oo aan wadaagin dhaqan, luqad iyo diin, halka hooyada dhashayna loo taxaabay xabis iyo musaafirin dalkeedii hooyo loo musaafiryo markay dhamaysato sannadaha xabsiga lagu xakumay.

Denbiga lagu eedeeyay hooyadan soomaaliyeed ayaa ah inay jirdil, dhibaatayn iwm ay caruurta kula kacday.

Waa dareen naxdin weyn wadata. Waa arrin murugo iyo walbahaar leh, in hooyo caruurtii jirkeedii laga soo gooyay ee ay jeclayd, hal mar inta laga qaado dabadeedna xabsi lagu taxaabo, weliba iyadii oo ay maskaxadeedii marnaba ka faaruqi doonin in iyadoo keligeed ah dalkii Soomaaliya loo musaafurin doono.

Maalmaha, billooyinka iyo sannadaha laga yaabo inay xabsiga ku sugnaan doonto waa hubaal inay yihiin Maalmaha, billooyinka iyo sannadaha ugu xanuunka badan hooyo Roodo Cawil intay ifka saarnayd oo ay noolayd.

Hooyo Roodo Cawil waxaan kula kulmay magaallada Nyborg, dalka Denmark, kahor intaan loo keenin caruurteeda. Waxay ahayd sida hooyooyinka kale ee soomaaliyeed mid naxariis badan, dabacsan oo si xad dhaaf ah u jecel caruurteeda, wakhtigaas aan la kulmay waxay ku dadaalaysay siday caruurteeda u iman lahaayeen Denmark. Si ay hal meel ugu wada noolaadaan, si ay aragtidooda iyo dhowaanshahooda ay ugu il-qabowsato.

“Ubadkayga markay Denmark yimaadaan, mustaqbal wanaagsan ayaan u rajeenayaa, waxaa jeclahay annigoo maqla inay jaamacadaha ka baxaan,” waa hadallada aan ka xasuusto, inta aynan caruurta Denmark imaan.

Roodo Cawil ma aynan marnaba is oronayn, caruurtii aad wax walba ka jeclayd, caruurtii aad sannadaha badnaa kala maqneedeen ee markii aad nasiib u yeelatay aragtidooda, ayaa dhici doonta in hal maalin caruurtaada inta lagaa qaado, oo lagu wareejiyo qoysas reer Denmark ah, oo aan muslimiin ahayn, aadna adiga ku hoyan doontaa xabsiga.

Roodo Cawil isma aynan lahayn, waxaad ka mid noqonaysaa hooyadii ugu horeysay ee caruurteeda intay weyso, haddana iyada musaafuris lagu xukumo.

Xukunlii ugu danbeeyay wuxuu dhacay usbuucaan, wuxuuna tilmaamayay inay maxakamadda ku adkaysatay xayuubinta laga qaaday caruurta 6-da ah, iyo iyadoo dalkeeda loo musaafurin doono, weliba iyadoo aan la socon mid ka mid ah ubadkii ay dhashay

Ugu danbeybtii, waxaa u jeedin lahaa dhammaan ururrada iyo masaajiddada soomaaliyeed ee Denmark inay garab istaagaan hooyada Roodo, haddii ay suurtoobi weyday isu keenidda qosykan la kala geeyay in lagu dadaalo 2 arrimood oo kala ah

1) in caruurtaas soomaaliyeed lagu dadaalo sidii lagu wareejin lahaa qoys soomaaliyeed oo iyaga haya caruurta, waa wax suurtagal noqon kara.

2) in haddii ay dhacdo in hooyada la musaafuriyo (Ma rajeenayo inay dhacdo) in dhammaan ururrada soomaaliyeed ay qoraal u gudbiyaan dowladda Federaalka Soomaaliyeed, si arrintan ay si degdeg u gasho, si haddii hooyada dalkii Soomaaliya loo musaafuriyo aynan aqbalin hooyada oo qura, in lagu dadaalo in haddii hooyada la musaafurinayp waa inay caruurtana la socdaan.

Waxaan Allah weydiisanayaa in Hooyo Roodo sida ugu dhaqsaha badan uu la kulansiiyo dhammaan caruurteeda oo idil, kana soo saaro xabsiga ay ku jirto aamiin

 

waxa qorey : Ibrahim Aden

              Odensa

Category