Denmark: Nin 24 jir ah oo lagu dillay magaalada Fredericia

RH: Ilaa hada waxaa kiiska loo xidhay 8 ruux, waxaana socda baadhitaan xoogle oo uu Booliisku wado , maanta gallinkii dambe ayay aheyd markii shafka laga toogtey ninkan isaga oo maraya xaafada ay ajanabigu u badanyihiin ee Korskærparkan oo katirsan degmada Fredericia.

Madaxa booliiska ee koonfurbari Yuland Carit Andersen  ayaa diidey in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo tirada saxda ah ee dadka kiiska loo xidhxidhay iyo cida ay yihiin toona maadaama oo uu wali baadhitaankii socdo.

waxa uu booliisku ku tilmaamey dhacdadan mid aad u daran iyo dambi dadka xasiloonidaro gallinaya,

Waxa uu madaxa booliisku  hoosta ka xariiqay in aanay aheyn wax lalayaabo in dad sidan ubadan xabsiga lootaxaabo marka kiisaska noocan ahi dhacaan si looga dhex helo midka saxda ah ee dambiga galley,  waxaanu sheegay in intakale lasoo dayndoono marka ay wax kala cadaadaan.

Mr Carit waxa uu sheegay in dadkan intooda la tuhmo bari maxkamada la hor geyn doono.

 

vfgt

Booliiska ayaa sidoo kale codsadey in ay la soo xidhiidhaan hadii ay jiraan dad kiiskan wax ka og iyaga oo soo garaacaya telefoonka nambarkiisu yahay 114.

 

Xaafadan ayaa ah mida ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee degan magaalada Fredericia.

Category