Denmark: Waallid Soomaaliyeed oo mudodheer xidhan iyo gabadh ay dhalleen oo hada soo cadeysay in ay waallidkeed xaqdaro ku xidhan yihiin.

Inantii ay dhalleen waallidkii Soomaaliyeed ee loo xumey kiiska gudniinka : oo cadeysay in aan la guddin.

 

Waallidka waxaa lagu xumey xabsi , laakiin inantu marwalba waxey taagneyd laima gudin . Hada waxaa taageeray khabiir heer caalamiya.

Amira waxey aheyd 15 jir ,Maallinmaalmaha ka mid ah oo ay joogtey iskuulka ay wax ka dhiganjirtey ayaa waxaa looga dhex yeedhay kalaaskii ay waxku baraneysay markii ay soo baxdey waxaa loo geeyay laba Booliis ah oo iskuulka kusugayey waxaana loo sheegay in baadhitaan lagu sameyn doomo siloo hubiyo in laguddey iyo inkale.

 

Waxey aheyd saddex sanno kahor, maallintaa wixii ka dambeeyay nolosha Amiirawaxey aheyd mid  baaxaadegaysa.

 

Wax yar kahor xilligaas waxa ay aabaheed iyo hooyadeed ka soo noqdeen Soomaaliya waxaana labadiiba lagu xukumey min sannad iyo badh xabsi ah iyadoo lagu eedeeyay inay soo gudeen iyada iyo walaasheeda oo kayar.

 

Amira aabaheed hada xabsiga ayuu ku jiraa , marka uu ka soo baxana hooyadeed ayaa ku xigta.

 

Laakiin  Amira markasta waxey laheyd aniga laima soo gudin hadana waxaa arintaas ku raacey profesor ku takhasustey cilmiga gynokojiga waxna kadhigta jaamacada Uppsala- Sweden  magaceedana la yidhaahdo Brigitta Essen.  Waxay ku sameysay baadhitaan labada gabdhoodba waxaaney cadeysay inaan midkoodna guniin lagu sameyn.

 

Waxaan u baahahey in ay runtu soo baxdo oo waallidkey xabsiga laga sii daayo ,waayo maaha xaq in loo xidho wax aan jirin.

AMIRA

Birgitta Essén  waxa ay warbixintii ay soo saartey ku cadeysay in ay caadiyihiin xubnaha taranka ee gabdhuhu , islamarkaasina aaney kuarag habayaraatee wax taageeraya baadhitaankii iyo qiimeytii ay sameysay dawlada Denmark.

 

Safarkii reerku ku tagey Afrika

Bartamihii xagaagii 2015tii  waxa ay  Amira  safar uraacdey labadeeda waallid iyo walaasheeda  oo kayar kaas oo ay ku tageen dalka Kenya oo ay kunooleyd ayeydeed oo Soomaaliyad ah oo aaney hore uarag si ay u soo eegaan iyaduna usoo aragto.

 

Waxa uu sameeyay qoysku in uu lacag urursado oo dhamaantood safarka isu raacaan fasaxa xagaaga oo dhanna ay Kenya kusoo qaataan sida ay sheegtey Amira hooyadeed.

 

Laakiin waxaa dhacdey itii ay fasaxa ku joogeen halkaas in Amiira  xanuusatey iyadoo  isku aragtay dawakhaad iyo in aan xaaladeedu wanaagsaneyn, sida ay sheegtayna waxaa sabab u aheyd cimiladii kulluleyd iyo cuntadii iyo cabitaankii jidhkooda ku cusbaa.

 

''Waxaan ka fikirey ,maxaa dhacey? Ma dhibaataan sameeyay, kadibna waxaa la iigeeyay laba booliis ah oo xafiiska iskuulka hortaagan''.

AMIRA

Laakiin hooyadeed waxay ka walaacdey in ay gabdhaha kaneeco ku dhacdey sidaas darteed waxay muhiim u aragtey in  dhakhtarka la dhigo. 

Xanuunkaas dartiisna waxaa dhacdey inay caruurtii dib ugadhacdey xilligii iskuulku bilaabmayey oo qorshuhu ahaa in ay kasoo gaadhaan.

 

Intaas kadib waxey gabadhaha hooyadood  la soo xidhiidhay iskuulkii   20. Ogost.2015 kii  si ay ugu sheegto in caruurtii ka bukootey oo ay dib u dhacayaan ..

Waxaanay ugu horeyn Iskuulkii yimaadeen bishii Sebtember. 2015 kii

Sida ay Amira Xasuusato way bogsoodeen markii ay Denmark yimaadeen.waaney bilaabeen iskuulkii markiiba.

Laakiin saddex bilood ka dib ayuu macallinkii Amira ka soo saarey kalaaska , ''waxaan markiiba ka fikiray ,talow maxaa dhacay? Ma dhibaataan sameeyey''  kadibna waxuu ii kaxeeyay macallinkii dhankii xafiiska iskuulka oo ay markiiba indhaheygu qabteen laba booliisa oo hortaagan.

 Macallimiintu waxay waydiiyeen walaashey in lasoo guddey iyo inkale.

Waxaa dhacdey in Amira walaasheeda yar ay  macallimadii  kalaasku waydiisey in la soo gudey , waxaana sidaas ka cadeeysay maxkamada degmada isla iyadii waydiisay. 

Amira Walaasheeda yari ’’waxay aheyd sida caadiga ah mid furfuran laakiin bil ka dib kolkii ay Afrika kasoo noqotey waxaan ku arkey in aytahay mid murugeysan, wax yar oo ku dhacaana ama lagu sameeyayna uu saameynayo ama aaney u adkeysan karin .”ayay maxakamada u sheegay macallimadii  kalaasku

waxey intaas raacisey ''Arinta kale ee ay macallimiintu la yaabeen waxay aheyd kadib kolkii ay Amiira walaasheed diiday in ay xiisadii Isboortiga la orodo caruurtii kale , kadib ayaan waydiiyey  miyaa lagu soo gudey markii aad Afrika tagteen iyaduna madixii intay gundhisay bay tidhi HAA sida ay macallimadu maxkamada ka dhex sheegtey.

Waxa kaloo ay sheegtay yartuay sida macallimada laga soo xigtey  in lagu gudey cisbitaal uu adeerkeed leeyahay iyada iyo walaasheedba waa Amira e.

Warkan ayaa lagaadhsiiyey Dawladii hoose iyo Booliiskii degmada oo iyagu doortey in ay dacwadan oogaan.

Macallimadii maxkamada ka hadashey oo ay saxaafadu  waydiisey in ay wax faallo ka bixineyso kiiskan ayaa ka gaabsatey, balse Amiira ayaa cadeysay in ay tan iyo bilowgii kiiskan sheegaysay in aan arinkan waxba ka jirin oo aan la soo guddin, laakiin aan lagahoos qaadin hadalkeeda.

Isla maallintiiba waa la baadhey

Amira Waxaa loo qaadey si loogu soo baadho cisbitaalka Jaamacada ee magaalada Odensa, halkaas oo iyada iyo walaasheedba uu ku baadhay dhakhtar caruurta ku takhasusey. Goor dabe oo maallintii ah ayaa lagu celliyey gurigoodii halkaas oo haweenay kasocotey degmadu ay caruurtii u wada yeedhay kuna wargallisay  in waalidkood la xidhay.

Laga bilaabo maallintii  waxaa xabsi laba bilood ah lagalliyey labadii waallid inta kiiskooda laga baadhayo ,halka ay caruurta sii haysay habaryartood iyo dad kasocda degmada.

Markiiba waxaa   TVga lagaga waramey sheekadii gudniinka , isla mariibana Amiira saaxiibadaheed iyo dad kale oo yaqaaney ayaa Facebook ku sii faafiyey , wax yar ka dib dhamaan iskuulkii oo dhan ayaa ogaadey in dadka kiis kooda laga hadlayaa ay iyaga yihiin.

 

Amira intaa wixii ka dambeeyay waxaa kolba  dhagaheeda ku soo dhaca iyada la  xamanayo dadkiina ay kadurkayaan , saaxiibadaheedna ay ka sii fogaanayaan markii warkii sii faafey .

Saaxiibo badan baan lahaa intii aan kiiskan lamaqal laakiin inbadan oo ka mid ah waan waayey markii warka la faafiyey ayay sheegtay Amira.

Waxey raadsatey dhakhtar gynokolojiste ah si uu ugu marag furo oo uu runta u cadeeyo

Maxkamadii degmada iyo maxkamadii guudba waxay waallidkii ku xukumeen in ay gabdhahooda gudniin fircooni ah kusameeyeen.

Bal kafikir in markii aad istidhaahdo runta ka hadal , laguu malleeyo in aad isku dayeyso in aad waalidkaa difaacayso oo aadan run sheegayn?

Haa, waan fahmi karaa in sidaas loo fikiri karo . Laakiin hadii aan been sheegayo ma dhakhtar baan raadsan lahaa ka dib si uu ii baadho oo uu wixii uu arko u sheego. Soo muu se dhakhtarku  yidhaadeen waarun oo waa lagu gudey . Laakiin hada waxaa cadaatey in aan waxaas waxba ka jirin oo aan gudniin la igu sameyn,  Taas ayaan doonayaa in aan cadeeyo oo la ogaado  ayey tidhi Amira.

 

Hada rajadeeda ugu wayni waa in kiiska maxkadu dib ufurto oo waallidkeed jeelka lagasoo daayo.

Waxa kaliya aan u baahanahey waa in runtu daahirto oo waallidkey la soo daayo, waayo wax gudniin ah oo nalagu sameeyey ma jiro ,  waallinkay u xidhan yihiin  xaqdaro ayay hadalkeeda  kusoo gabogabeysay  Amira.

 

Amira maha magaca saxda ah . Laakiin wargeysku waa uu ogyahay magaca saxda ah.

 

Xogta warka . dr.dk

Tarjumaada iyo Isku dubaridka

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category