Diyaarad sidday dhallinyaro ka tagay Muqdisho oo laga soo celiyey garoonka Hargeysa

Hargeysa (RH)-Diyaarad sidday 50 dhallinyaro Soomaali ah oo dhawaan laga soo celiyey dalka Libya ayaa shaley laga celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay ka duushay garoonka Muqdisho, waxaana markii ay ku soo dhaweyd garoonka lagu wargaliyey in aysan soo degi karin oo ay dib ugu laabato goobta ay ka timid sida ay lee yihiin ilo xog-ogaal ah.

Duuliyaasha diyaaradda ayaa u sheegay mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Cigaal in aysan diyaaradda siddan shidaal ku filan oo ay Muqdisho dib ugu laaban doonto sidaas darteed loo oggolaado in ay ka soo degto garoonka.

Diyaaradda waa laga diiday in ay soo degdegto waxaana ay degdeg ugu jiheesatay magaalada Garoowe oo ay ka degtay.

Haddaba, diyaaradda sidday dhallinyarada tahriibta ee laga soo celiyey Hargeysa ayaa isla maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa halkaasoo lagu soo dhaweeyey.

Mas'uuliyiinta hey'adda saadasha hawada iyo garoomada Somaliland waxa ay ku sifeeyeen sababta diyaaradda shaley loo celiyey in ay ahayd maadama aysan horrey looga heysan macluumaad ku saabsan diyaarad sidda dhallinyaro laga soo daayey xabsiyo ku yaalla Libya.

Hey'adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa fududeysay in dhallinyaradan dib loogu celiyey Hargeysa oo markii horre ay ka tageen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category
Location