Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaad toos ah ka billaabeysa Muqdisho

Addis Ababa (RH)-Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa markii ugu horreysey muddo 41 sanno ah Muqdisho ka billaabeysa duullimaad toos ah.

War qoraal ah oo la soo dhigay bogga rasmiga ah ee shirkadda ayaa lagu sheegay in laga billaabo labada bisha November ee sannadkan, ay diyaaradda Ethiopian Airlines todobbaadkiiba saddex maalmood duulimaad toos ku tageso Muqdisho.

Maalmahaas ayaa kala ah Isniin, Talaado iyo Jimce,waana duullimaad labo geesood ah ugu kala gooshi doonta magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho.

“Hadda waxaan ku billaabeynaa saddex duullimaad todobaadkii, laakiin marka laga shidaal qaato tirada dadka isaga gooshaya labadan dal ee walaalaha ah, iyo Soomaalida dunida inteeda kale u kala safreysa, waxaan mustaqbalka dhow billaabi doonnaa duullimaad maalinle ah”, ayuu yiri madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde Gebremariam oo u warramayey warbaahinta Itoobiya ee FANA.

Ethiopian Airlines oo la aasaasay sannadkii 1945-kii, waxay ka mid tahay shirkadaha duullimaadka ee ugu ballaaran qaraadda Afrika, waxayna u duushaa 125 goobood oo caalami ah.

1977 ayaa ugu dambeysey Ethiopian Airlines in ay soo cago-dhigato gegida Aaden Cadde ee caasimadda Muqdisho, waxayse dagaalladii sokeeye ka dib duullimaad ka billowday garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category