Dowladda Soomaaliya oo difaacday heshiiskii ay la gashay Itoobiya

Muqdisho (RH)- Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho isagoo faah-faahin ka bixiyey heshiis dhawaan dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeyn magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta ayaa difaacay heshiiska labada dowladood isagoo sheegay in heshiiskaas uu salka ku hayo sidii labada waddan ay u xoojin lahaayeen xiriirka ka dhexeeya iyo in ay sameystaan

“Heshiiskan dhinacyo badan ayuu taabanayey oo ay ku jirto ammaanka oo labada dal ay iska kaashanayeen, waxa uu kaabsanaa in la ballaariyo xirirka diplomaasi iyadoo labada dal ay qunsilad ka furan karaan laba dowladood iyadoo la yahay labo dowladood”ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku waxa uu sheegay in labada dal ay yihiin labo dal oo kala madax bannaan isla markaana aysan jirin wax dekado ah oo la siiyey dowladda Itoobiya.

“Gobanimada iyo madax bannaanida Soomaaliya waa lama taabtaan, mana jirto cid la siiyey dalka & dekadaha, laakin iskaashi dhaqaale waa loo baahan yahay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somalia oo ka hadlayey heshiiskii Ethiopia & Soomaaliya ay dhawaan ka saxiixdeyn.

Wasiirka ayaa la weydiiyey in uu faah-faahiyo afarta dekadooda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhisayaan ma sheegin magacyada dekadaha afarta ah balse waxa uu sheegay in dekadahan la casriyeen doono isla markaana uu kor u qaadi doonaan dhaqaalaha labada dal oo xiriir uu ka dhexeeyo.

Wasiirka ayaa la weydiiyey sida ay u arkaan hadalka ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee ah in la Soomaaliya iyo Itoobiya ay noqon doonaan dal mideysan oo hal ah, waxa uu sheegay in arrintaas aysan sax ahayn oo labada dal ay ku heshiiyeen in ay xoojiyana xiriirkooda iyagoo labo dal ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category