Dowladda Soomaaliya oo soo saartay amar ku socda diyaaradaha u socda Kismaayo

Kismaayo (RH)-Dowladda Federaaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah soo saartay amar ku socda shirkadaha diyaaradaha ee u safraya magaalada Kismaayo ee xarrunta gobalka Jubbada Hoose.

Hay'adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo soo saartay ku sheegtay in diyaaradaha ku socda Kismaayo, ay soo dalbadaan Oggolaanshiyo gaar ah laga billaabo maanta oo Axad ah kuna beegan bisha Sept 22 illaa 30-ka bishan.

26-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo, ay ka dhacdo Caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe oo markii labaad ku guuleystay doorashadii ka dhacday Kismaayo.

Magaalada kismayo waxaa tago duulliimaadya badan oo isugu jiro kuwa maxali ah iyo kuwa caalami ah, waxaana sidoo kale tago diyaaradaha AMISOM, kuwa gaar ah iyo diyaaradaha Hay'adaha.

Sidoo kale waxaan kala caddeyn in arrintan ay saameyneyso diyaaradaha oo dhan iyo tallaabada ay dowladda Soomaaliya ka qaadi karto kuwa ku xadgudba amarkan.

Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo muddo soo jiitamayay wuxuu sii xumaaday ka dib doorashadii maamulka oo hadda afar toddobaad laga joogo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category