Duqa Muqdisho oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho (RH)-: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta oo Arbaca ah xarrunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Safiirka Midgowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Berlanga.

Guddoomiyaha ayaa la wadaagay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaalaaiya horumarka uu ku tallaabsanayo Gobolka, Arrimaha Barakacayaasha, dadaallada dib u dhiska iyo qorsheyaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahad-celiyey Ururka Midowga Yurub taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa barnaamijyada horumarineed ee Ururka Midowga Yurub uu ka fuliyo Gobolka Banaadir.

Dhankiisa, Nicolas Berlanga ayaa ku ammaanay bulshada iyo maamulka Caasimadda sida ay ugu taagan yihiin horumarka iyo xaqiijinta dib u kabashada Gobolka, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Gobolka.

Sidoo kale, Danjire Nicolas waxa uu uga mahad-celiyey Maamulka iyo Bulshada Caasimadda soo dhaweynta diirran iyo fududeynta shaqada tan iyo markii uu soo gaaray dalka.

Category