Farmaajo oo ka qeybgalaya Shirka golaha guud ee QM

Kismaayo (RH)-Madaxweynaha Soomaaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay dalka Maraykanka, iyagoo ka qeybgalaya meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka dhacaya toddobaadkan magaalada New York.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona shirka oo ay ka qaybgalayaan hoggaamiyayaasha dunidda, iyadoona meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya uu ka qaybgalo shirka golaha guud ee QM tan iyo markii loo doortay xilka sannadkii 2017-kii.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan New York kulamo gooni-gooni ah la yeelan doona madaxda ka qaybgalaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Qayr ayaa saxaafadda u sheegay in wafdiga madaxweynaha ay la kulmi doonaan madax ka tirsan dowlladda Maraykanka.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee hoggaamiyayaasha duniddu ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category