Farmaajo oo la kulmay guddiga dib-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Somaliland

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wada tashi ah la qaatay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howl gelinta guddigan iyo shaqooyinka ay qabteen muddadii koobneyd ee ay magacaabnaayeen ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda hor u socodsiinta qorshaha Qaran ee lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo hirgelinta jawi kalsooni iyo horumar loo dhan yahay.

Madaxweynaha ayaa xasuusiyey guddigan in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, horseedana qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, si loo xaqiijiyo mabaadi’deenna wadajirka ah ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda iyo isku duubnida.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa labadii September ee sannadkan war-saxaafadeed uu soo saaray ki sheeg in dib loo billaabayo wadahadallada Soomaaliya iyo Somalilanad, walow uu ku xiray shuruudo dhowr ah.

Golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa kulan ay yeesheen uga dooday arrimaha ku saabsan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliy
Golaha wasiirrada  Somaliland ayaa kulan ay yeesheen uga dooday arrimaha ku saabsan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliy

Ma jirto wadahallo ay yeesheen Dowladda Federaalka iyo Somaliland tan iyo sannadkii 2017-kii xilligaas oo la doortay madaxweyne Farmaajo.

Radio Hormuud

Studio3

Mogadishu Somalia

Category