Farmaajo oo saxiixay sharciga la dagaallanka Musuqmaasuqa

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta aoo Sabti ah axiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer.

Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn maanta oo lagu saxiixay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadda lagu saxiixay Sharciga ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed kala shaqeynta in lasoo afjaro Musuq maasuqa.

Munaasabada lagu saxiixay sharcigan waxaa joogay duqa caasimadda, xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo wasiiro.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category