Farmaajo oo sheegay inuu ka tanaasulay mowqifkiisa doorasho qof iyo cod

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ka tanaasulay mowqifkiisii ku aadanaa in doorasho qof iyo cod ay ka dhacdo Soomaaliya dabayaaqada sannadkan iyo billowga sannadka 2021-ka.

Madaxweynaha oo xaley ka hadlayay casho sharaf loo sameeyay madaxdii ka qeybgashay shirkii ka socday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in madaxda shanta maamul goballeed ay diidanayeen qorshaha madaxweynaha sidaas darteed uu tanaasul muujiyay markii xaaladda meel ay xun ay gaartay waa sida hadalka uu u dhigay

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu go'aankaas qaatay si uu dalka wadajirkiisa u badbaadiyo, loona baahan yahay go'aan noocaas oo kale in la qaato marka ay xaaladda meel xun mareyso.

Madaxweyne Farmaajo oo aad ugu celcelinayay doorasho qof iyo cod inuu aaminsanaa ayaa ka dalbaday baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay la qaateen qodobada ka soo baxay shirka, dowladda tan xigtan ay dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category