Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyey Ajandaha Kal-Fadhigooda 74-aad

Hargeysa(RH):-Mudaneyaasha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyey ajandaha kalfadhigooda 74aad

da

 

kalfadhigan maanta ee Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland  oo uu shirgudoominayey guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaas mudane Siciid Jaamac Cali, waxaana fadhigaas ka soo xaadiray 42 mudane, iyaga oo cod gacantaag ah u qaaday ansixinta ajandaha kalfadhigooda 74aad, waxaana ogolaada 39 xildhibaannada, halka uu diiday hal mudane, iyada oo uu ka aamusay hal xildhibaan guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayaanu ka ansaxay ajandaha kalfadhiga afar iyo toddobaatanaad ee golaha guurtidu.

Waxaana ajandaha kalfadhiga 74aad ee goalaha guurtida ka mid ah qodobo muhiim u ah qaranka oo ay ka md yihiin siyaasadda arrimaha gudaha, arrimaha dibadda, nabadgalyada, arrimaha bulshada, deegaanka iyo dhaqaalaha dalka.

 

Category