Golaha Guurtida Somaliland Oo Warbixin Ka Dhegaystay Guddiyada Arrimaha Dibadda ,Nabadgelyadda Iyo Guddida Joogtada Ah Ee Golahaasi.

Hargeysa(RH)Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta warbixino ka dhagaystay Guddiyada Arrimaha Dibada ,Nabadgalayada Iyo Guddida joogtada Ee Golahaasi.

Fadhigii Maanta Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golahaasi Md Saleebaan Maxamuud Aadan ,Oo uu ku wahelinaayey Gudoomiye ku xigeenka kowaad Ee golahaasi Siciid Jaamac Cali  ayaa mudanayaasha Golahaasi waxay si wado jir ah warbixino uga dhagaysteen Guddiyada arrimaha dibada ,joogtada iyo arrimaha nabadgalyada Ee golahaasi..

Xildhibaan Axmed xaasho Oo ka tirsan Gudidaasi Arrimaha Dibada Iyo xidhiidhka iskaashiga caalamiga ah ayaa faahfaahin ka bixiyey safari shaqo oo ay gudidaasi u soo martay midowga yurub iyo jarmalkaba ,waxaanu mudanuhu si faahfaahsan uga waramay in ujeedada safarkoodaasi ay daaranayd in xidhiidh wado shaqeynayd uu dhex maro in labada Barlamaan ay bookhashooyin is dhaafsadaan iyo in Barlamaanka S/land laga caawiyo Tayeynta howlaha shaqo ee labada Gole ,waxaa kale Oo ka mid ahaa in Somaliland Loo raadiyo taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ,halka sidoo klaena ujeedooyinkii Guddidaasi ay u baxday ay ahayd in Somaliland loo raadiyo maalgalin shisheeye Oo caalami ah,iyadoo gudidaasi ay kulamo xogwareysi ah la qaateen jahliyadaha reer Somaliland Ee dalka jarmalka ,iyagoo ka wado hadlay sidii siyaasada arrimaha dibada ee wadanka ay kaalintooda uga qaybqaadan lahaayeen jaaliyadaasi jarmalku.

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo ka tirsan Guddida arrimaha  Guddida nabadgalyada Ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa mudanayaasha golahaasi warbixin ka siiyey xaalada nabadgalyada dalka oo xiligani fiican ,waxaanu farta uu ku fiiqay waxyaalo yaryar oo u baahan wax ka qabasho oo ay ka mid yihiin arrimaha mukhaadaraadka oo dalka ku soo badanaya ,Dhalinyarada amni darada ku kacda oo wax ka qabasho u baahan iyo in siyaasad cad laga yeesho xanuunka ka qarxay dalkaasi shiinaha si looga gaashaanto xanuunkaasi.

Gabogabadiina Gudoomiyaha Guddida joogtada Ee Golaha Guurtida xildhibaan Siciid C/laahi Yaasir  ayaa mudanayaasha warbixin ka siiyey masuulyiin kala duwan oo ay guddidaasi la soo yeelatay ,halka ay guddidaasi talo ahaan ku soo jeedinaysay qodobo ay ka mid ahaayeen mashiinada kalyaha lagu maydho oo lacag badan ah in qiimahiisa xukuumadu dib u eegto iyo in barlamaanku sameeyaan xeer lagula  dagaalamaayo  arrimaha qabyaalada.

 

Category