Guddoomiyihii Guddiga Daba-Galka Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiillada Oo Xilkii Laga Qaaday

Hargeysa(RH)Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed faarax ayaa Xilkii ka qaaday guddoomiyihii guddiga daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire

 

Xilka qaadista Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa lala xidhiidhinayaa fadeexado musuq-maasuq oo ay dhawaan soo bandhigeen guddiga daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranku kuwaas oo ay sheegeen inay ku kaceen wasiirro ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa loo bedelay in uu xubin ka noqdo guddiga hawlaha guud iyo guryaynta ee golaha wakiillada Somaliland.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed faarax ayaa hore raali-gelin uga bixiyay warbixin ay soo bandhigeen guddiga dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka waxaana arrinta si adag ugu gacan-saydhay Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ah guddoomiyaha guddigaasi

Category