Hay’adda socdaalka oo Muqdisho ka furtay xarun labaad

Muqdisho (RH)-Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah xarun labaad ka furatay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Cabdicasiis.

Furitaanka xarunta maanta waxaa ka geybgalay duqa Muqidisho Cumar Maxamed Maxamuudd, taliyaha booliska iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Xaruntan cusub ayaa la sheegay in adeegyo siin doonto dadka ku dhaqan illaa sideed degmo kuwaas oo kala ah; Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaaqshid, Shibis, Boondheere, Huriwaa,Shangaani iyo Xamar-Weyne.

xarrunta cusub ee hey'adda socdaalka iyo jinsiyadaha

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa xarumoku leh goballada dalka oo dhan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category