Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Denmark oo laga qaatay Carruurteedii

Copenhagen (RH)-)-Baraha bulshada iyo idaacadaha maxalliga ee SoomaaliYa waxa ay baahinayaan warar sheegaya in dowladda Denmark ay rabto in ay soo musaafuriso hooyo Soomaaliyeed isla markaana laga reebtay carruurteedii oo gaaraya illaa lix.

Hooyada Soomaaliyeed ayaa magaceeda lagu sheegay Rooda Cawil Daahir waxaa ilmaha ay dhashay ugu weyn ilmo jira 17 sanno waxaana ugu yer ilmo afar sanno jir ah.

Booliska ayaa hooyadan soo xiray, waxaana ay rabaan in ay kaligeed soo musaafuriyaan carruurtana dad kala duwan oo u dhashay dalka Denmark loo qaybiyey ama loo qaybin doono.

Sida uu qorshuhu yahay booliska ayaa raba in hooyadan Soomaaliga ah in iyada kaliya laga dajiyo garoonka diyaradaha ee Muqdisho lagana reeban doona carruurta oo dhan.

ma ahan markii ugu horreysay oo arrintan booliska ay sameeyaan,15-kii bishii May sannadkii 2018-kii ayaa sidan oo kale haweeney u dhalatay dalka Malaysia carruuur kaddibna ka dajiyeen waddankeed balse maxaa dhacay?

Dowladda Malaysia aya ku qasabtay dowladda Denmarka in dib ayu celiyaan kadibna ay soo raacsiyaan ilmaheeda. waxay ku dhahehn ilmaha anaga aya leh idinka waddankiina ayaa leedihin sidaasna way ku celiyeen carruurtii iyo hoyadood oo wadajira.

Haddaba, Roodo oo ah qof Soomaali ah waxay u baahan tahay Dowlad garab is-taagtoo oo mujiso cida ay tahay Roodo iyo ilmaheeda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category