Iskuday la rabey in Cabdi Iley jeelka laga baxsado oo fashilmey

RH.Koox hubeysan oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay in isku deyday inay xabsiga ka sii kala baxsato madaxweynihii hore ee DDS Cabdi Maxamuud Cumar, balse waxaa fashiliyey ciidamada Ilaalada xabsiyada ee Itoobiya kadib iska hor imaad dhex maray labada dhinac.

Sida ay qortay majalada Addis Standard kooxdan ayaa xabsiga hordhigtet gaari  VAN ah, si uu ugu baxsado marka uu kasoo noqdo dheygaysi maxkamadeed oo uu kumaqnaa.

Addis Standard ayaa intaasi ku dartay in gacanta lagu dhigay raggii dambeeyey, falkaasi, islamarkaana la xiray.

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga loo taxaabay lixdii August ee sanadkii 2018-kii, waxaana loo heystaa eedeymo ay ka mid yihiin dil, jir dil, barakicin, gudbidda goobo ganacsi iyo kaniisado.

Category