Jid isku xidhi-doona Berbera iyo Dhaymoole Oo Xadhiga laga Jarey

Berbera(RH)Badhasaabka gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan, ayaa xadhiga ka jaray Waddo isku xidhi doonta magaaladda Berbera iyo tuuladda Dhaymoole oo ka tirsan gobolka Saaxil.

 

Jidkani oo muddo badan xanibnaa isla markaana ay baahi weyn u qabeen bulshadda degaankaasi ayaa waxaa hirgelisay dawladda hoose ee Berbera. Iyadoo tuuladda Dhaymoole ay aad u adkayd in la hello waddo wanaagsan oo loo maro.

 

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig ka jarista jidkani cusub ee isku xidhaya Berbera iyo tuuladda Dhaymoole waxaa ka soo qayb galay badhasaabka Saaxil, maayarka Berbera, madax dhaqameedka degaanka Dhaymoole, siyaasiyiin, masuuliyiin hore iyo dadweyne kale.

 

Axmed Cismaan Xasan, badhasaabka gobolka Saaxil oo hadal ka jeediyay xadhiga ka jaristii jidkaasi cusub ayaa tilmaamay muhiimadda uu jidkani u leeyahay isku xidhka Dhaymoole iyo Berbera iyo degaamadda kale ee gobolka Saaxil.“Waa guul, waana horumar ka mida horumaradii gobolku ku tallaabsanayay ee ay degmadda Berbera maamulkeeda oo uu hogaaminayo Cabdishakuur Cidin, ay ku tallaabsadeen.

Maalintii aanu halkan (Dhaymoole) soo kormeernay ee Cagaftu maraysay, waxaanu ka daadegnay Jar dhankaasi kale ah. waxaanu ka fikiraynay oo aanu lahayn wadadaasi ma halkaasi ayay maraysaa? Mise meel kale”.

Sidoo kale maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, oo isna munaasibadii xadhig ka jarka Waddadan ka hadlay ayaa sheegay in ay baahi weyn u qabeen bulshadda degaankaasi in ay helaan waddo ay maraan.“Mahad oo dhammi waxa ay u sugnaatay ILLAAHAY (SWT) oo inoo suurageliyay in aynu Dawgan bilawno oo dhamayno.

Sanadkii 2012-kii ilaa 2017-kii markii aanu ololaha ku jirnay bulshadda markii aanu u nimaadnaba waxay lahaayeen waxaanu doonaynaa Waddadaasi in la noo sameeyo.

Iyaddoo Iskuulku uu ka dunsan yahay, ayaanay lahayn Iskuulkaasi noo hagaajiya, balse Waddada ayay doorbidayeen”ayuu yidhi maayarka Berbera.

 

Geesta kale Chief Caaqil Xasan Shaqale, oo ka mida madaxda dhaqanka ee gobolka Saaxil ayaa uga mahad naqay cidkastoo hirgelinta Wadadaasi gacan ka gaysatay.Waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqaya, anoo ku hadlaya afka degaanka iyo afka qurba joogta-ba, anagoo ah dadka Jidkani loo sameeyay ee adeegyadda ugu badani u soo mari doonaan, haddii ay ganacsi tahay iyo haddii ay hawlahooda kale tahay-ba

Waxaanu aad ugu mahad naqaynaa maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera, oo intii aanu hawshaasi wadnay-na aad baahi weyn ugu qabay”.

Category