Kooxda Waaberi oo markii labaad ku guulaysatay koobka degmooyinka Banaadir

Muqdisho (RH)-Kooxda Waaberi ayaa markii labaad oo isku xiga ku guuleysatay koobka degmooyinka gobalka Banaadir, kaddib markii cayaartii ugu dambeesay 1-0 uga badiyeen kooxda Shibis cayaar xaley ka dhacday garoonka Baanaadir ee degmada Cabdicasiis.

Tartankan oo socday muddo labo bilood, ayaa waxaa ka qeybgalay 17 ka degmooyinka gobalka Banaadir .

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xaley u daawasho tagay cayaarta fiinaalka.

Waa markii labaad oo xilli habeen ah Muqdisho lagu cayaaro cayaar kubadda cagta ah.

Dadweyne fara badab oo ka kala yimid degmooyinka gobalka Banaadir ayaa u soo dawaasho tagay cayaarta, sidoo kale dad ka yimid waddamada qurbaha oo mar horre ugu dambeesay cayaar habeen lagu cayaarayo Muqdisho ayaa garoonka joogay kuwaasoo dib u xasuustay waayihii nabadda ka hor dagaalladii Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category