Labo qof oo Soomaali ah oo lagu dilay weerarkii Nairobi

Nairobi (RH)- Illaa hadda labo qof oo Soomaali ah ayaa la ogyahay inay ka mid ahaayeen dadkii ku dhintay weerarkii shaley lagu qaaday galbeedka magaalada Nairobi gaar ahaan goob ay ku yaaleen hotel iyo xafiisyo.


Feysal Axmed Rashiid iyo Cadalla Maxamed Daahir ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen dadkii ku dhintay hotelka Dusit ee magaalada Nairobo oo ay weereereen kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Labada wiil ayaa la sheegay in ay u shaqeen jireen hey’addaha gargaarka ee dalka Ingiriiska.

Juneed Maxamed oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in adeerkii uu ku dhintay weerarkii shaley lagu qaaday hotelka Dusit iyo Saaxibkiis kuwaasoo shaley ku qaadeenayey hotelka la weerarray.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerarkii lagu qaaday hotelka Dusit 2 oo galbeedka magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Hotelka Dusit ayaa ku yaalla goob caan ah oo ay tagaan dalxiisayaasha ka yimaada waddamada Maraykanka, Yurub iyo Indiya.

Labo qof oo u dhashay waddamada Britain iyo Maraykanka ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Galbeedka Nairobi.

Ciidamada ammaanka ayaa soo badbaadiyey 700 oo qof oo ku jiray dhismaha hotelka.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo horre weerarro ka geestay dalka Kenya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category