London: Haweenay lagu qabtey 5 boorso oo lacag ah

RH: Haweeney haysata jinsiyada Ingriiska  ayaa dooratay inay  boorsada kasoo buuxiso  wax aan dhaqan ahayn. Taas oo horseeday in maanta lagu xidho isla markaasina  dacwad lagu soo oogo.

Waxaa lagu qabtay shandad ay ka buuxaan malaayiin lacag kaash ah, oo ay rabtey in ay ka qariso shaqaalaha madaarka London sidaas waxaa  qortay Nypost.

mnjhjhj

Haweenaydan ayaa sidatey kudhowaad 2.5 milyan oo lacagta Ingiriiska ah, oo u dhiganta 20.5 milyan oo Denish koron, iyada oo lacagta ukala qaybiyay shan shandadood ama boorso.

Haweeneydan oo  30-jir ah ayaa lagu magacaabaa Tara Hanlon, waxaaney saaka ka  ambabaxeysay garoonka diyaaradaha Heathrow- London  kuna sii jeeday Dubai, markii ay boorsooyinka raraneysay waxey isu ekaysiisey  in ay wax waliba caadi yihiin . Laakiin ma ay shaqeyn qorshaheedaasi.

Waxaa hadda lagu soo oogay dacwad la xidhiidha  lacag dhaqid, sida ay masuuliyiintu sheegeen, waa lacagtii ugu badneyd ee lagu qabto xadka garoomada diyaaradaha eeUK sannadkan 2020.

Haweeney kale oo la socdotay iyada ayaa iyana tuhmaad lagu xidhay,laakiin baadhitaan kadib waa la sii daayey.

Category