Macalimiin guraan oo lagu dilay gobalka Shabeellaha Dhexe

Muqdisho (RH)-Wararka ka imaanaya gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay lix qof oo ahaa culimo dad quraan saarayay.

Dilka ayaa ka dhacay deeganka Raaga-Ceelle, sida ay dad goobjoogayaal ku warrameen.

Lixda qof ayaa la dilay saaka waaberigii.

Maamulka HirShabeelle ayaa xaqiijiyay dilka dadkan, waxaana ay sheegeen in ay wadaan baaritaan la xiriira sida uu u dhacay.

Wasiirka Amniga HirShabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa warbaahinta u sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira sidii loo soo qaban lahaa kuwii falkan geestay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category