Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay  

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

 

sf

Madaxweynaha iyo weftigan uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo oo lix maalmood qaatay ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

sf1

Madaxweynaha Somaliland iyo Waftigan ayaa  diyaarad khaas ahi ka soo dejisay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana madaxweynaha madaarka kusoo dhaweeyey xubno ka mid ah golaha wasiirrada iyo maamulka gobolka Maroodi-jeex.

 

sf2

 Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo weftiga ka mid ahaa, ayaa Socdaalka madaxweynaha iyo guulihii horumarineed ee safarkiisa shaqo uu qaranka usoo hooyey saxaafadda uga warramay waxaanu yidhi, “Madaxweynaha iyo masuuliyiinta dawladda Imaaraadku waxa ay kaga wada-hadleen kulamadooda arrimo badan oo ay kamid yihiin ammaanka guud iyo horumarka mandaqadda Geeska Afrika, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, koboca dhaqaalaha, maalgashiga, macdanta iyo Tamarta, Iibka xoolaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Dalxiiska,  horumarinta xeebaha iyo kalluumaysiga, isu socodka labada shacbi iyo isu-furka suuqyada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo dardargelinta heshiisyadii iyo hawlihii horumarineed ee mashaariicda waaweyn ee ay labada dal muddooyinkii ugu dambeeyey wadaagayeen.”

 

sf2

 

sf5

 

sdr

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayay, ayaa muddadii ay ku sugnaayeen Dalka Isu-tagga Imaaraadka ayaa  kulamo la qaatey madaxda iyo saraakiisha kala duwan ee ee ugu sarraysa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxana ay kulamadaasi kusoo dhammaadeen guul iyo is Af-garad buuxa.

 

Category