Madaxweynaha Somaliland Oo Muddeyey Diwaangelinta Codbixiyayaasha

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.

Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 09/112020

Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Tix-geliyey: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/2020;

Markaan Dersay: Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha;

Waxaan Go’aamiyey;

In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020..

 

Category