Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan midawga yurub u soo magacaabay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez.

 

Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee dalka Somaliland iyo horumarka uu ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa.

 

Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, mashaariicda horumarineed ee ay midawga yurub ka wadaan Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa, waxa kale oo lagu lafo-guray wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu madaxweynuhu u sheegay safiirka mowqifka ay Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan tahay wada hadalo dhexmara labada dal iyo guud ahaan iskaashiga iyo wada shaqaynta midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhexeeya.

 

 

Category