Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay xubnaha wadahallada Somaliland u matalaya dowladiisa

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo Arbaca ah ku magacaabay guddiga dhab-u heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.

Guddigan oo ka kooban lix xubnood waxaa ku jira xildhibaanno, siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland horrey xilal waaweyn ka soo qabtay dowladda Soomaaliya iyo danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalka UK.

Haddaba,xubnaha lixda ee madaxweynaha uu magacaabay ayaa kala ah

1-Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Guddoomiyaha guddiga.
2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) Guddoomiye kuxigeen.
3-Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow)
4- Dr Cali Siciid Fiqi danjiraha cusub ee Soomaaliya ee UK
5-S/G: Axmed Jaamac Muuse
6-Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli) oo horrey xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa horrey u magacaabay xubnaha Somaliland u matalaya wadahallada Soomaaliya.

Wadahadallada dowladda fedaraalka iyo Somaliland ayaa hakad ku jiray muddooyiinkii ugu dambeeyay mana cadda wakhtiga ay dib u billaaban doonaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category