Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomiyaha danjiraha cusub ee Maraykanka

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah, warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee ay Dowladda Mareykanka usoo magacawday Soomaaliya Yukio Yamamoto, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Lama sheegin halka uu madaxweynaha ku qaabilay danjire Yamamoto, balse dad badan ayaa aaminsan in madaxweynaha uu danjiraha cusub ku qaabilin madaxtooyada Soomaaliya.


Si kastaba, waxa ay badan tahay in madaxweyne Farmaajo uu tagey xarrunta Xalane oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ay ku yaalaan xarrumaha QM iyo kuwa AMISOM waana goob  aad loo waardiyeeyo.

Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ee Maraykanka u soo magacowday Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan xiriirka labada waddan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category