Magaalada Hargeysa Oo Lagu Qabtay Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Dawladnimada

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Xidhiidhkla Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka daah-furtay dood cilmiyeed ku saabsan Dawladnimada iyo Dimuquraadiyadda.

Kulankaas waxa ka qayb galay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha, arrimaha arrimaha gudaha, iyo guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Ugu horeyntii waxa madashaas ka hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha Jamaal Cabdi Xasan iyo arrimaha gudaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) oo faahfaahin ka bixiyey u jeedada tababarkaas oo ay sheegeen in ay tahay sidii loo fahmi lahaa nidamka wanaagsan ee dowladnimada iyo dimuquraadiyada.

Waxa kale, oo halkaas ka hadlay Dr. Jaamac Muuse Jaamac iyo guddoomiyaha komishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Dayib Xaaji Aadan oo soo dhaweeyey dood cilmiyeedkaas tilmaamayna inay muhiimad gaara ay leedahay.

Gebo-gebadii Wasiirka a wasaaradda xidhiidhkla goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo kulankaasi ka ayaa
sheegay in ka wasaarad ahaan ay awooda sarayaan sidii ay dadku u fahmi lahaayeen qiimaha barashada dawladnimada iyo dimuqardiyada

 

Category