Markab-Weyn Oo Sida Shidaalkii Ugu Badnaa Oo  Soo Gaadhay Dekada Berbera

Berbera(RH):-Maareeyaha Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Magaaladda Berbera Xasan Ibraahin Embasi ayaa sheegay inuu hoos u dhici doono maalmaha soo socda qiimaha Shiidaalku kadib markii uu duleedka Magaaladda Berbera ku soo xidhay Markab weyn oo sida ilaa 14 Kun oo tan oo shiidaalka Naafatada ah.

 Maareeyaha Kaydka Hamaaha shiidaalka oo uu weheliyo Maareeyaha Dekedaha somaliland ayaa hadalkan ka sheegay kadib markii uu maanta booqday Markabkaas .

Xasan Embasi ayaa sheegay in Kaydka haamaha shiidaalku diyaar u yahay qaadista shiidaalka noocan oo kale ah Maareeyuhu waxa uu xusay in Shiidaalkan ay leedahay Shirkadda Taraafu-guura isagoo intaas ku daray inay ku rajo weyn yihiin inuu hoos u dhac ku yimaado qiimaha shiidaalka naafatada ah ee Somaliland.

Maareeyaha Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Magaaladda Berbera waxa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay in Shirkadda Taraafu-guura ay qandaraas Keenista shiidalka ah ka heshay dalka Itoobiya isla markaana ay markii u horaysay Shiidaal ay u wado dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya ay ka soo dejin doonto Berbera kaas oo Taraasit ahaan u dhaafi doona.

Geesta Kale Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa sheegay inay Haamaha shiidaalka ee berbera kala shaqeeyaan soo xidhista maraakiibta noocan oo kale ah

Category