KOLDING / DENMARK — Maxkamadda Racfaanka Galbeedka Denmark (Vestre Landsret) ayaa Talaadadii, 27-kii Oktoobar 2026, xaqiijisay xukun saddex sano oo xabsi ah oo lagu riday nin 57 jir ah, kaas oo saddexdiisa gabdhood u diray Soomaaliya safar loogu magac daray dib-u-barbaarin.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xeer-ilaalinta Denmark, xukunkan ayaa ah kii hore ay maxkamadda magaalada Aarhus ku ridday ninkan horaantii sanadkan.
Gabdhaha oo la xannibay, lagana mamnuucay ku hadalka afka Danishka
Saddexda gabdhood, oo xilligaas da’doodu ahayd 7, 12 iyo 14 sano, ayaa aabbahood u diray Soomaaliya xagaagii 2022.
Intii ay Soomaaliya joogeen, waxaa la sheegay in gabdhaha la xannibay, laga mamnuucay ku hadalka afka Danishka, laguna khasbay inay dhigtaan dugsi Qur’aan.
Labada gabdhood ee waaweyn ayaa sidoo kale si joogto ah loogu geysan jiray tacaddiyo jireed. Sida lagu sheegay dacwadda, waxaa la garaaci jiray maalin kasta ama maalin dhaaf, iyadoo loo adeegsan jiray tuubo biyo, fiilo koronto iyo burushka xaaqidda guriga.
Tacaddiyada qaarkood ayaa dhici jiray marka gabdhuhu khalad ka galaan casharrada Qur’aanka ee ay qaadanayeen. Gabadha ugu weyn ayaa arrintan hore uga sheegtay maxkamaddii dacwadda markii ugu horreysay dhageysatay.
Labada gabdhood ee waaweyn oo baxsaday kaddib muddo dheer
Labada gabdhood ee waaweyn ayaa ugu dambayn u suurtagashay inay baxsadaan bishii Febraayo 2026, kaddib markii ay Soomaaliya joogeen ku dhowaad saddex sano iyo bar.
Hase yeeshee, gabadha ugu yar, oo hadda 11 jir ah, ayaa sida ay sheegtay xeer-ilaalintu weli ku sugan Soomaaliya.
Aabbaha ayaa maxkamadda hore ka sheegay in ujeeddada safarku ahayd in gabdhihiisu bartaan Qur’aanka iyo afka Soomaaliga. Wuxuu sidoo kale sheegay in carruurtu ku soo laaban lahaayeen Denmark markii ay barteen afka Soomaaliga oo ay awood u yeesheen inay xigtaan aayadaha Qur’aanka.
Maxkamadda: Aabbuhu wuxuu gabdhihiisa geliyey khatar culus
Xeer-ilaaliye khaas ah, Anette Wolf Pedersen, ayaa sheegtay in maxkamadda racfaanku ay qiimeysay in ninku gabdhihiisa ku khasbay inay sii joogaan Soomaaliya.
Waxay xustay in aabbuhu lahaa mas’uuliyadda buuxda ee waalidnimo, isla markaana uu carruurtiisa geliyey xaalad khatar weyn ku ah caafimaadkooda iyo koritaankooda.
Ninka ayaa sidoo kale lagu helay inuu u hanjabay gabadha ugu weyn, isla markaana laba ka mid ah gabdhihiisa uu u geystay tacaddiyo jireed oo lagu tilmaamay kuwo si gaar ah u qallafsan, arxan daran ama khatar ah.
isha warka waakaalada wararka ee Ritzau