Natiijada Imtixaanka Shahaadiga aha Ee Dugsiyada Somaliland Oo Lagu Dhawaaqay

Hargeysa(RH)Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland ayaa Maanta ku dhawaaqay Natiijada imtixaannaadka  Shahaadiga ahaa ee Fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiga sare.

 

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax oo ay Weheliyaan Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Wasaaraddaasi, ayaa sheegay inay Imtixaanka Fasalada 8-aad ee Dugsiga dhexe ay sannadkan u fadhiisteen, 19,874 Arday isla-markaana ay gudbeen 17,038 Arday, halka ay ka dhaceen, 2,562 Arday, waxaanu sheegay inay Imtixaanka aanay gelin 274 Arday oo ka habsaamay.

SQ

Dhanka kale, Imtixaannaadka Fasallada 4-aad ee Dugsiyada Sare ayuu Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax uu sheegay inay u fadhiisteen Arday Tiradoodu gaadhayso 9,691, waxaana gudbay 8,787 Arday, halka ka dhaceen 723 Arday, taasina waxay ka dhigan tahay ayuu sheegay Daa’uud Axmed Faarax inay sannadkan gudbeen dalka oo dhan 92% Arday.

RT

 

Category