Nin dadka qaba cudurrada dhimirka ku quudiya Hargaysa

Dhibaatooyinka haysta dadka baahini ma yara. Hase ahaatee marka qofka baahi iyo xanuun iskugu biiraan waa dhibaato kale oo qofkaa iyo intii kale ee naxariis lihi ay dareemi karaan.

Inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaan ayaa dadka dhibtaabaysan ee aan soonku ba ku waajibin waxa ku siyaada dhibaatada haysata.

Waxa xidhan maalin oo dhan makhaayadaha iyo meelaha kale ee wax la quuto uu ka heli karo qof qatani.

Dadka qaba cudurrada dhimirka ku dhacaa, meel kasta way ku dayacanyihiin haba u badnaadeen dhulka Soomaalidu degantahaye. Waxa kale oo u dheer dhibaatadaa caafimaad ee ay qabaan dayac bulsho oo aan badanaa xil la iska saarin.

Magaalada Hargaysa waxa diifta iyo xanuunka u dheer dadka noocaas ah qadoodi iyo gaajo maalin walba joogto ah inta dadka kale soomanyihiin ee makhaayadaha wax laga siin karaa xidhan yihiin.

Nin reer Hargaysa ah oo la yidhaa Maxamed Xuseen kuna magac dheer Maxamed-jagac ayaa hadaba isu xil qaamay inuu dadkaa intii karaankii ah dayaca ka ilaaliyo.

Wuxuu bisha Ramadaan muddo toban sannadood ah cunno u diyaariyaa darbi jiifka qaba cudurrada dhimirka ee daadsan dariiqyada Hargaysa.

Maxamed-jagac wuxuu deganaan jiray oo muddo ku noolaa dalka Ingiriiska. Muddo markii uu joogay magaalada ayuu arkay dayaca ka muuqda dadkaas waxaanu garawsaday in ay mudantahay in dadkaa si uun intii karaankii ah uu u daryeelo.

''Runtii imika toban sanadood waan waday hawshan. Runtii jeebkaygaan ku bilaabaa, cid iga caawisa, xukuumad iga caawisa taajir iga caawiyaa ma jiro. Mar waan dhamaystiraa, mar dayn baan u galaaba. Marna ummadaan u weydiiyaa oon idhaa waar yaa wax siinayaay, waar yaa wax ku darsanaya khayrkaay, waar waa bishii Ramadaan waar yaa ila caawinaya ummadan?" ayuu yidhi Maxamed-jagac oo la weydiiyey sida uu u maareeyo kharashka ku baxa quudinta dadka masaakiinta ah ee uu wax siiyo.

Gurigiisa ayuu ku soo kariyaa cunto badan ka dibna intuu xidhxidho ayuu u qaybiyaa dadka qaba cudurrada dhimirka ee magaalada Hargaysa ku daranyaysan.

Baabuur ayuu ku geeyaa goobo ay isla yaqaanaan oo ay isugu yimaadaan dadkaa uu quudiyaa oo ay ku sugaan cuntada.

Madamed-jagac wuxu sheegay in uu tobankii sannadood ee u dambeeyey hawshaa waday, sababta uu bishaas oo keliya iskugu koobayna ay tahay karaan iyo sidoo kale in aanay maalmaha Ramadaanta jirin makhaayado furan oo dadkaa baahani xataa hambo ka heli karaan.

Isaga oo ka hadlayey dadka uu wax taraa siday u kala jilicsanyihiin iyo weliba culayska eheladooda qaarkood saaran, ayaa Maxamed waxa uu ka warmaay hooyo waayeel ah oo laba inan oo ay dhashay labaduba waalanyihiin.

Maadaama oo ay iyada qudheedu da' tahay, waxna aanay ganacta ku hayn una shaqayn karayn si ay u quudiso inamadeeda, ayaa isaga oo sawiraya duruufta ay hooyadaasi ku jirto waxa uu yidhi "laba inan oo waalwaalan ayay haystaa, waana da' iyadu oo iyadiibaa ba tukube sidata. Ilmaa kaa imanaysa, waxay tidhi hooyo anoo da' daas ah ayaan labadaydii curad daba socdaa. Cid ii gargaarta iyo cid iga caawisana ma hayo"

Maadama oo uu yahay dedaal shakhsi keli ahi wado, inta uu gaadhi karaa way koobantahay, waxaana uu xoogga saaraa bal in bisha Ramadaan inta lagu jiro aanay maalintii dadkaasi gaajo u le'an maadaama oo aan soon ku waajibin.

 

source.BBC

Category