Nin xirnaa waxyaaha qarxa oo lagu qabtay Guriceel

Guriceel (RH)-Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada ammaanka Galmudug ay fashiliyeen weerar lala damacsanaa xaflad ka socotay magaalada oo ay ku sugnaayeen madaxda Ahlu Sunna Waljamaca.

Wasiirka amniga gudaha Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada ay qabteen nin xirnaa wax yaabaha qarxa oo rabay inuu isku qarxiyo fagaare uu ka socday xuska dadkii ku dhintay dagaal ay la galeen Al-Shabaab.

"Maanta oo 17-ka Ramadaan waa maalin fasax ah oo la xuso dadkii ku shahiiday diinta islaamka difaaceeda oo ay ugu horreyaan Beder laga soo billaabo iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab"ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay ninka in la qabtay xilli uu rabay inuu soo galo goobta ay xafladda ka socotay isla markaana uu codsaday in uu gabay ka akhriyo goobta balse ciidamada ayaa ka shakiyay ayuu yiri.

Mar la weydiiyay halka uu ka yimid ninka waxa uu sheegay in sheegay inuu ka yimid Koonfurta Soomaaliya isla markaana uu soo maray Ceelbuur.

Goballada dhexe gaar ahaan gobalka Galgaduud waxaa ku xooggan culimada loo yaqaanno suufiyada ee Ahlu Sunna, kuwaasoo hadda ku biiray maamulka Galmudug.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category