Qaraxyo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho iyo Baydhaba

Ugu yaraan, lix qof ayaa dhimatay kow iyo toban kalena waa dhaawacmeen kadib markii saaka ay qaraxyo ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Dhame Sadiiq Aadan Cali ayaa BBC-da u sheegay in gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray lagu weerarray xarunta laanta canshuuraha oo ku dhaw dekada weyn ee Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka boolisku ka hor istaageen qofka waday gaariga uu qaraxu saarnaa inuu u gudbo gudaha xarunta isla markaana ay rasaaseeyeen, isagoo gaarigu ku qarxay dibadda xarunta. Shan ka tirsan ciidanka booliska ayuu afhayeenku sheegay inay halkaas ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale magaalada Baydhabo warrarka laga helayo ayaa sheegaya in shan qof ay dhinteen, lix kalena ay dhaawacmeen kadib markii qarax la dhigay maqaayad laga cunteeyo uu qarxay sida dad goobjoog ah ay sheegeen.

Maqaayadda la qarxiyay ayaa ku taala koontaroolka kooonfureed ee magaalada Baydhabo. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah waxa ku jira haween.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxyada maanta ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo.

Muqdisho ayaa lixdii bilood ee ugu dambeeyay ka nasatay qaraxyada loo adeegsado baabuurta iyadoo xaaladda amaanku ka soo raynaysay.

 

isha warkan. BBC

Category