Qofkii ugu horreeyay oo coronavirus ugu geeriyooday Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus ay ka dhacday magaalada caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiiradda caafimaadka dawdlada federalka soomaliya Fowziya Abiikar Aaadan ayaa xaqiijisay in qof la xanuunsanaa coronavirus uu ku geeriyoodey gudaha Soomaaliya. Qofka geeriyooday waxuu ahaa Muwaadin soomaaliyeed oo 58 jir ah, ku geeriyoodey Isbitaalka Martiini.

Shalay ayaa laga soo qaaday mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho halkaas oo uu ku xanuunsaday. Waxaa intaas dheer in aanu dibadda ka iman ee uu ahaa qof magaalkada Muqdisho deggan.

Waxay sidoo kale Wasiiradda sheegtay in 4 kiis oo cusub oo coronavisus ah la diiwaan galiyay.

War-saxaafadeed ay Wasaaradda Caafimaadka soo saartay oo ay arrimihii ugu dambeeyay ee COVID-19 ku faah-faahineysay ayaa u qornaa sidan:

  • 1. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulaysa waajibaadka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba wixii ka cusboonaada caabuqa COVID-19, waxay umadda la wadaagaysaa qodobadan:
  •  
  • 2. Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)
  •  
  • 3. Waxay wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19 taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12
  •  
  • 4. 4ta xaaladood oo cusub ayaa ah dad dhamaantood wadanka dhexdiisa joogay oo aan la laheyn xiriir dibadda
  •  
  • 5. Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Somali 58 jir ah, kaas oo noqnaysa dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa
  •  
  • 6. Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda
  •  
  • 7. Wasaaraddu ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen xaaladahaas cusub
  •  
  • 8. Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda
  •  
  • 9. Fadlan inagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka

Isku darka tirada guud ee cudurkan ee Soomaaliya ayaa hadda noqotay 12.

 

isha warkan. BBC

Category