Raysal wasaaraha Itoobiya oo baarlamaanka uga warramaya bannaanbax dhawaan ka dhacay xafiiskiisa

Addis Ababa (RH)- Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa maanta baarlamaanka waddankaas u sheegay in ciidamo dhawaan ku bannaanbaxayey qasriga madaxtooyada ay isku dayi rabeen in ay isaga dilaan.

Waxa uu sheegay ciidamadiisa in ay ka soo horjeedaan isbaddelka ka dhashay dalka ku yaalla geeska Afrika.

"In kastoo ay soo qaban qaabiyeen bannaabaxaasi askar yer haddana dhallinyaradaasi askarta ah waxa ay filayeen in mushaarka loo kordhiyo, haddii aan adeegsan laheen xaaladaas awood waxaa dhici lahaa wax aad u xun" ayuu yiri raysal wasaare Abiye.

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in maalintaas haddii ay adeegsan lahaayeem awood in muuqaalka uu ka aaminsan yahay Itoobiya in dhaawac uu soo gaari lahaa. Waxa uu sheegay in taas baddelkeeda ay isticmaaleen xeelad farsameesan.

Waxa uu sheegay in ay kashifi doonaan ciddii beenta u sheegtay dhallinyaradaas isagoo intaas hadalkiisa ku daray haddii uusan askari ahaan laheen in xaaladda sidaas iska baddeli lahayd.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category